Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Wakiilo ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka iyo 30 Culimo oo dalalka Islaamka ka socda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in shirkan uu furo, waxaana uu noqonayaa kii u horeeyay noociisa oo looga hadlo arrimaha Xagjirnimada oo Soomaaliya ku heyso dhibaatooyin kala duwan.

Shirweynahan oo socon doona labo cisho ayaa waxaa maalgelisay Ururka Iskaashiga Islaamka, iyadoo ay ka qeyb galayaan 12 Wakiilo dowladeed oo xubin ka ah Ururka OIC, illaa sodomeeyo Culumaa’udiin ka socda dalalka Islaamka iyo 12 Culimo ka socda Soomaaliya.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa qaabka, ujeeddooyinka iyo farriimaha ku qotoma badqabka fikirka iyo la dagaallanka xagjirnimada.