Shir loogaga hadlayo arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga dalalka qaarada Afrika ayaa maanta ka furmaya caasimada dalka Uganda ee Kampala.
Shirkan ayaa waxaa ka qayb galaya Madax ka socota dalalka Uganda,Soomaaliya, Koonfur Afrika, Tanzania, Kenya, wakiillo ka socda hey’adaha iyo bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo ergooyin kale.

Shirkan oo loogu magac daray Africa Now Conference ayaa diirada lagu saarayaa sii loo kobcin lahaa dhaqaalaha qaarada Afrika.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa shirkan ugaga qeybgalay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.