Iyadoo uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday shirkii Wadatashiga ee u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, isla markaana Madaxdii shirkaas ka qeyb gashay ay ka wada huleeleen magaalada Garowe ayaa waxaa manta shir gaar ah oo saddex geesood ah uu dhex maray Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Shirkan saddex geesoodka ayaa waxaa looga hadlayay iskaashiga, xiriirka iyo wax wada qabsiga saddexdan maamul ee Puntland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle, waxaana soo baxay Isbaheysi cusub oo saddexdan maamul ka dhex sameysmay.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo shirka furay ayaa ka hadlay muhiimada shirkan iskaashiga ah, isagoo soo dhoweeyay xiriirka cusub ee dhex maraya Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

“Runtii waxaa sharaf wayn noo ah inaan halkaan ku qabsano shirkan sadex geesoodka ah oo runtii qayb ka ah geeddi socodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya u noqon lahayd dowlad Federaal ah oo awood leh, waxaan ku faraxsanahay saaxiibaday Madaxweyne Cabdicasiis iyo Madaxweyne Waare oo runtii ka mid ahaa wafuuddii badnayd ee halkan kulahaa shirka wada-tashiga ah”ayuu yiri Madaxweynaha Dowaladda Puntland.

Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa raadinaya isbaheysi, maadaama ay noqdeen kuwo go’doon ka ah isbaheysigii Puntland, Galmudug iyo Jubbaland, inkastoo lagu tiriyo dhanka dowladda Federaalka.

Lama oga isbaheysigan waxaa uu kaga duwan yahay isbaheysiga kale ee u dhaxeeya Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, kuwaasoo dhowaan Magaalada Nairobi, iyagoo wadajir ah ugula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka.