Ciidamada Booliska ee maamulka Somaliland, ayaa maanta xabsiga ka sii daayay Wiil dhalinyara ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar”, kaasoo 14-kii bishan May laga xiray Suuqa magaa Hargeysa.

Wiilkan oo xiliga la qabanayay ku labisnaa dhar laga tolay midabka Buluuga ah ee Calanka Soomaaliya, ayaa dhowr jeer waxaa la soo taagay maxkamada gobolka Maroodi Jeex, iyadoo Ciidamada booliska ay ku guul dareysteen in Maxkamada u xalaaleyso xariga Wiilkan.

Qaar kamid ah ehelka Cabdiraxmaan Aar, ayaa Warbaahinta gudaha u xaqiijiyay sii deynta Wiilkooda, waxeyna sheegeen inaan jirin wax dhibaata ah oo xabsiga loogu geystay, marka laga reebo in xoriyadii laga qaaday.

Cabdiraxmaan Aar waxa uu guddoomiye u ahaa urur la dagaalamayo qabyaaladda,waxaana ururkaaa oo dhawr jeer hadlay shegay inaanu dambi eheyn xirashada dharka Calanka Soomaaliya u midabka eg, arinta ay ciidanku u xireenna ay tahay mid sharci daro ah.

Xiliga la xirayay Wiilkan dhalinyarada ah ayaa aheyd maalin ka hor xiliga xuska 15-ka May oo ah maalinta Dhalinyarada iyo xuska markii la aasaasay ururkii gobanima doonka Soomaaliyeed ee SYL.