Soomaaliya oo ka mid  noqotay saddexda dal ee uqu halista badan dunida

Waddamada Soomaaliya, Liibiya iyo Afqaanistaan ayaa noqday meelaha ugu halista badan caalamka, sida lagu sheegay daraasad cusub oo khariidad loogu sameynayay dadka dunida u socdaala.

Warbixintan oo ay si wada jir ah u soo saareen hay’adda caalamiga ah ee caafimaadka iyo nabad galyada ee SOS iyo hay’adda la socodka khataraha adduunka ayaa musaafuriinta loogu sheegayay xaaladaha ka jira meelaha ay safarada ku tagayaan sannadka foodda nagu soo haya ee 2019-ka.

Dalalka ku yaalla qaaradda Yurub ee kala ah Finland, Norway iyo Iceland ayaa loo aqoonsaday iney yihiin meelaha ugu nabdoon ee loo safri karo.

Liibiya, Afqaanistaan, Soomaaliya iyo Suuriya ayaa dhammaantood safka hore ka galay meelaha uu khatarta dhimashada iyo waxyeellooyin kaleba kala kulmo karo qofka.

Liiska dalalka ayaa la isugu xijinayay sida ay u kala halista badanyihiin, iyadoo dalalka ugu hooseeyana ay yihiin kuwa ugu khatarta yar.

Waxyaabaha ugu badan ee diiradda la saarayay ayaa ah xaaladaha caafimaadka, amniga iyo nabadgalyada waddooyinka.

Dalalka Africa ee sida gaarka ah ay caafimaad darradoodu aad ugu sarreyso ayaa lagu sheegay iney yihiin Suudaanta Koonfureed, Niger, Ivory Coast iyo Sierra Leone.

Dalalka kale ee caafimaad darradooda laga deyriyay ayaa waxaa ka mid ah Ciraaq, Lubnaan, Venezuela iyo Kurriyada Waqooyi.

Dhanka kale waddamada ay xaaladdooda caafimaad aadka u wanaagsantahay ayaa lagu sheegay iney kala yihiin kuwa qaaradda Yurub iyo waddamada kale ee kala ah Canada, Mareykanka, New Zealand iyo Japan.

Dalalka Brazil, Shiinaha iyo ruushka ayaa loo tix galiyay in khatartooda caafimaad ay sii kordheyso.

Marki la eego dhinaca amniga, waddamada ay khatarta xad dhaafka ah ka jirto ayaa lagu tilmaamay iney yihiin Afqaanistaan, Suuriya, Yemen, Liibiya, Soomaaliya Suudaanta Koonfureed iyo Mali, kuwaasoo usii kala halis badan sida ay u kala horreeyaan.

Meelaha ugu caansan ee dalxiiska loo tago sida Mexico, qaar ka mid ah dalalka la isku yiraahdo Caribbean-ka iyo qeybo ka mid ah Hindiya ayaa lagu tilmaamay iney khatarta ku badantahay.

Hase ahaatee meelaha uu amnigooda aad u wanaagsanyahay ayaa lagu sheegay dalalka Denmark, Switzerland, Slovenia, Iceland, Greenland iyo Finland.

Marka laga soo tago qaaradda Africa, waddamada kale ee halista ugu badan ee waddooyinka iyo shilalka gaadiidka ay ka jiraan ayey warbixintan ku sheegtay iney yihiin Brazil, Bolivia, Sucuudiga, Iiran iyo Kazakhstan. Qeybtan, dalka Mareykanka ayaa ka galay meel dhex dhexaad ah.

Inta badan dalalka Yurub ayaa lagu qeexay iney aad ugu yartahay khatarta dhinaca waddooyinka waxaana la mid ah waddamada Japan, Australia iyo Zew Zealand.