Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyay falkii maanta lagu laayay Haween ka shaqeynayay howlo nadaafadeed iyo dhacdadii naxdinta laheyd ee gabadhii lagu kufsaday Gaalkacyo, kadibna la dilay.

“Wixii maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho ee lagu laayay 8 qof oo ka shaqeynayay howlo nadaafadeed, oo dumar u badnaa iyo kufsiga, jariimada iyo dilka Caisha loogu geystay Gaalkacyo waa bartilmaameed ka dhan ah dadka birimageydada ah, gaar ahaan dumarka”ayuu yiri Taabit Cabdi Maxamed.

Taabit oo sii hadlayay ayaa yiri “Gudaha ayaan ka gubanayaa, mana hayo ereyo aan ku qeexo kuwa geystay falalkaas naxariis darada ah. Waxaan tacsi u diraya dhamaan dadka ehelka ah ee sida hoose ay u taabteen dhacdooyinkan madoow”

“Waxaa noqonay bulsho gumaad u joog ah, oo baraarugu ku yaryahay, sidaa darteed waxaan codsanayaa in si walbaba laga fal-celiyo dhacdooyinkaan, oo aan la aqbalin iney sii socdaan”ayuu yiri Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir.

Dhacdooyinkii maanta ka dhacay duleedka Muqdisho iyo Gaalkacyo ayaa noqday kuwo dad badan uur-kutaalo ku reebay, gaar ahaan gabadha yar ee sida arxan darada loogu kufsaday Gaalkacyo, lana dilay.