Illaa 198 Boolis ah ayaa tababar soconayay Saddex Bil loogu soo gaba-gabeeyay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamul Goboleedka Hirshabeelle Soomaaliya.

Munaasabadda tababarka lagu soo xirayay ayaa waxaa goob-joog ka ahaa, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Jen; Bashiir Cabdi Maxamed, Wasiirka amniga Qaranka, Maxamed Abuukar Isloow, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, Guddoomiyaha Baarlamanka ee maamulkaasi, Cusmaan Barre Maxamed iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Wasiirka amniga iyo dhaqan celinta Hirshabeelle, C/qaadir Aaden Jeelle, ayaa bogaadiyay Askarta soo dhammaysatay tababarka, wuxuuna faray in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee saaran.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Jeneraal; Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Ciidanka tababarka dhammeystay, wuxuuna sheegay in ay ku soo biirayaan Ciidan leh Taariikh dheer, wuxuuna u rajeeyay in ay noqdaan Boliis wanaag iyo qab leh, Ummaddiisana uga adeega si daacadnimo ah.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in Ciidamadan ay yihiin dufcadii u horeysay Boolis Hirshabeelle ay yeelaneyso, isagoo kula dardaarmay inay bulshada u adeegaan, kuna dhaqmaan shuruucda, waxaana uu intaa ku daray in dufcada labaad ee Booliska dhowaan lagu tababari doono magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.

Tababarkan oo ay bixinayeen Saraakiisha Boliiska AMISOM ayaa waxaa maal-gelintiisa lahaa Midowga Yurub, waxanay dufcaddan qeyb ka tahay 800 Boliis ah oo uu dhowaan yeelan doono maamulka Hirshabeelle.