Xaflad lagu soo xirayay tababar socday muddo labo todobaad ah ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay xarunta tababarka warbaahinta ee Jaamacadda Muqdisho.

Tababarkan oo ku saabsanaa sida ay warbaahintu u isticmaasho tiknoloojiyada caalamka iyo sida ugu wanaagsan ee looga faa’idaysan karo isticmaalka baraha bulshada (social Media).

Tababarkan ay qabanaysay xarunta tababarka warbaahinta ee Jaamacadda Muqdisho ayaa waxaa kafaa’idaystay 19 arday oo laga soo kala xulay gobolada iyo gobolka banaadir.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay agaasimaha xarunta tababarka saxaafadda ee Jaamacadda Muqdisho Shaafici Ibraahim Cabdi oo ka sheekeeyay aas aaskii xaruntan iyo waxqabadkeedii, iyadoo la aas aasay 2015-kii ayna qabatay barnaamijyo wax ku ool ah, soona saartay afar dufcadood iyagoo intii hore ay maanta ka hawl galaan warbaahinta dalka qaybaheeda kala duwan.

“Anshaxa iyo dhaqanka wanaagsan ee ay xambaarsan tahay diinteena islaamka waa yoolalka ay hiigsanayso xarunta tababarka warbaahinta ee Jaamacadda Muqdisho. Mustaqbalka waxaan xooga saari doonaa inaan hoy u noqono inaan kamira dhalino oo aan soo saarno dad warbaahinta Soomaaliyeed wax badan u qabta”ayuu yiri Agaasimaha Xarunta Tababarka Saxaafadda ee Jaamacadda Banaadir

Daa’uud Muuse Daa’uud oo ah madaxa xafiiska guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo halkaasi ka hadlay ayaa kula dardaaramay ardayda maanta tababarka usoo dhamaaday inay u dhabar adeegaan sidii ay ku hor marin lahaayeen warbaahinta dalka. Tababarkan diyaarintiisa waxay xaruntan ku qaadatay waqti badan inuu sidii ugu wanaagsaneednah inoogu dhamaaday Rabbi ayaa mahadaa leh.

Cabdillaahi Ciid Ibraahim oo ka mid ahaa dadkii dhamaysta tababarka ayaa u mahad celiyay xarunta tababarka warbaahinta Jaamacadda Muqdisho iyo masuuliyiinta Jaamacadda muqdisho isagoo ka codsaday maamulka xarunta in tababaradaan oo kale lasii badiyo.

Gabagabadii Dr. Cali Daahir Maxamed guddoomiye kuxigeenka Jaamacadda Muqdisho ee arrimaha waxbarashada ayaa umahad celiyay ardayda dhamaysatay tababarkaan isagoo u rajeeyay horumar wuxuuna kula dardaaramay in xirfadaha la’idin baray aad idinkuna sii baahisaan aadna gaarsiisaan jaalkiina kale.