Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ka digay banaan baxyo la hadal hayay inay ka dhacaan magaalada Muqdisho, kaasoo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Jen. Bashiir ayaa sheegay in banaan baxyo la qabto aysan aheyn wax weyn, balse loo baahan yahay in la caddeeyo ujeedkiisa, waxaana uu xusay in banaan baxyada ay yihiin kuwo ogolaansho looga heysto Maamulka Gobolka iyo Hey’addaha Amniga.

Waxaa uu ka digay banaan bax rabshado wata oo ay ku soo dhex dhuuntaan cadaw iyo kooxo burcad ah oo dhac u geysanaya hantida dadweynaha, isagoo xusay in dacwado uga yimid dad hantidooda la boobay.

Banaan baxyada la hadal hayay inay ka dhacaan Muqdisho ayaa si weyn looga abaabulayay baraha bulshada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhab u qaadatay.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa walwal badan ka muujiyay banaan baxyada la abaabulayay oo la sheegay inay wadaan siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana shirar is daba jooga ah oo Hey’addaha Amniga yeelanayeen looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa banaan baxyada la qorsheynayo.