Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa ka hadlay dil shalay gelinkii danbe degmada Kaaraan loogu geyestay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Jenaraal C/llaahi Xasan Bariise oo ah Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Ciidanka Booliska ahna madaxa Warfaafinta ee booliska oo shir jaraa’id xalay ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney sameeyeen howlgal lagu baadi goobayo soo qabashada Kooxihii dilka geystay.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigeen gaari ay tuhunsan yihiin inuu yahay midkii ay wateen ragga dilka geystay, sidoo kale howlgalka ayuu tilmaamay iney ku soo qabteen laba qof oo mid uu ahaa darawalka gaariga la soo qbatay.

Jen. Bariise ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen eedeysanayaasha la hayo, iyagoo filaya inay bixiyaan xog horseedi karta in Cadaaladda la horkeeno Kooxdii dishay marxuum Boqore.

Marxuumka la dilay oo ahaa Xildhibaanka ugu da’da weyn golaha Shacabka ee baarlmaanka Soomalaiya, Waxaa uu soo noqday sarkaal ka tirsan Ciidamada Soomaaliya, isagoo ka qeybgalay dagaalkii 1964 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray, kuna dhaawacmay, waxaa uu ciidanka ku gaaray gaashaanle sare, wuxuuna soo noqday guddoomiye ku xigeenka barlamaankii KMG, waxaa uu haatan xubin ka ahaa Gudidga Difaaca Golaha Shacabka.