Kusimaha Taliyiha ciidamada Booliska AMISOM Cristine Alola ayaa ka mid noqotay dadkii ku geeriyooday shilkii diyaaradeed ee Ethiopian Airlines.

Alola oo u dhalatay dalka Uganda ayaa ku sii jeeday magaalada Nairobi waxaana xaqiijiyay geerideeda ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Hawlgalka AMISOM, Simom Mulongo.

Diyaarada Ethiopian Airlines ee shalay ku burburtay meel ku dhow Tuulladda Tulu Fara ee duleedka magaaladda Bishoftu oo 60-KM dhanka K/bari kaga toosan magaaladda Addis Ababa ayaa waxaa ku dhintay dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa diyaarada.