Maleeshiyo hubeysan ayaa deegaan lagu magacaabo Gar Adag oo ka tirsan Gobolka Sanaag ku dilay labo Taliye ciidan oo ka tirsan Booliska iyo Asluubta Somaliland.

Taliyeyaasha la dilay ayaa lagu kala magacaabayay G/lle C/llaahi Axmed Tallan oo ahaa Taliyihii Xabsiga degmada Gar Adag iyo Taliye kuxigeenkii Booliska degmada Gar Adag Labo Xidigle Nuur Aw Cali Nuur.

Labadan Taliye ayaa la sheegay in la dilay, kaddib markii ay qaab dhuumasho ah kaga baxeen degmadaas, iyadoo maleeshiyo hubeysan ay wadada u gashay.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dibad bax rabshado wata uu ka dhacay deegaankaas, kaddib markii mid ka mid ah dadka deegaanka oo xirnaa uu ku dhex dhintay xabsiga sababo aan la shaacin.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu tacsi ugu diray ehelada ay ka geeriyoodeen labada Taliye, waxaana uu amar ku bixiyay in dadkii ka dambeeyay falkaas la soo xiro.

Xaalada deegaanka Gar Adag ee Gobolka Sanaag ayaa ah mid degan, iyadoo ciidamo fara badan la geeyay, si ay ammaanka u sugaan oo aanay rabshado uga dhicin.