Kooxo hubeysan ayaa xalay dhaawacay Taliyihii Ciidamada isku dhafka Maamulada Puntland iyo Galmudug ee magaalada Gaalkacyo Khaliif Nuur Shire.

Saddex dhalinyaro ah oo Bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen toogashada Taliyaha, xilli uu ka soo baxay Salaadii Taraawiixda.

Kooxda toogashada geysatay ayaa durba goobta isaga carartay, ka hor inta aysan goobta tagin Ciidamada ammaanka, kuwaasoo Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ula cararay Sarkaalka, halkaasoo wali xaaaldiisa Caafimaad lagula tacaalayo.

Mid ka mid ah dadka ku sugan Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in saaka Ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano ay ka sameynayaan Xaafadaha ku dhow goobta weerarka uu ka dhacay, iyagoo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro badan oo lala xiriiray falka dhaawaca ah.

Ciidanka isku ­dhafka Gaalkacyo oo dhismahiisa ay kaalin ka qaateen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa lagu amaanay inay wax badan ka qabteen amniga Gaalkacyo, iyagoo soo celiyay xoolo Geel u badan oo ay kala dheceen maleeshiyaad ka soo kala jeeda Waqooyiga iyo Koofurta magaalada.