Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si daahfuran ay u tartansiineyso Shirkdaha diyaaradaha ee qaada dadka Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan 2019 soo gudanaya Acmaasha Xajka.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in shirkadaha daneynaya iney ka faa’ideystaan fursadan ay soo gudbiyaan codsiyadooda ugu dambeyn 9-ka bisha, taasoo ay ka baaraan dagi doonaan guddi ka kala socda Wasaarada, Culimada iyo Bulshada Rayidka.

Xubnaha Guddiga ee loo xil saaray kala saarida Shirkadaha ayaa kala ah:

C/Xakiin Xasan Ibraahim Ashkir Wasiiru dowlahha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan Wajiis (Cali Wajiis) Culumo

Sheekh C/qaadir Maxamed Soomoow-Culumo

Sheekh Cumar Maxamuud Wardheere-Culumo

Sheekh Cabdi Qani Qorane Maxamed-Culumo

Maxamed Cabdi Xaliim Sheekhoow-Bulshada Rayidka

Xamdi C/raxmaan Ismaaciil-Bulshada Rayidka

Tallaabadan ayaa ka dhigan in daabulida Xujeyda aaney ku koobnaaneyn oo kaliya shirkadaha Jubba Airways, Daallo Airlines, Freedom iyo East Africa oo uu u xirnaa mashruuca lagu geynayo dalka Sucuudiga Soomaalida Xajineysa.

Si kastaba, Xajka ayaa ah xilliga kaliya ay faa’idada ugu badan helaan Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee diyaaradaha, kuwaasi oo 25¬≠kii sano ee dalka uu burburka ku jiray aanay jirin dowladda ama nidaam lagu maamula.

Xajka ayaa kamid ah Tiirarka ugu waa weyn ee Islaamka, iyadoo uu EBBE ku waajib yeelay qofka Muslimka ah, gaara ahaan inta uu ALLE awood u siiyay inay tagaan Makka, oo soo xajiyaan.