Turkey: Khashoggi si dhaqso ah ayaa loo ceejiyay markii uu galay Qunsuliyada

Warkii ugu horeeyay ee si rasmi ah uga soo baxa dowlada Turkiga ee la xiriira dilkiia Jamal Khashoggi ayaa lagu sheegay in la ceejiyay isla markii uu gudaha u galay qunsuliyada Sacudiga ee Istanbul kadibna meydkiisa  la jarjaray.

Akhbaartan oo laga soo saaray xafiiska xeer ilaaliyaha magaalada Istanbul Arbacada maanta ayaa sidoo kale lagu yiri;

“Sidii horeba u ahaa qorshaha saxafiga Jamal Khashoggi si deg-deg ah ayaa ceeji nafta loogaga qaaday kadib markii uu u galay qunsuliyada guud ee Sacudi Carabiya ee magaalada Istanbul 2dii bisha Oktoobar 2018 arrimo la xiriira dukumintiyo guur.”

“Meydka dhibanaha waa la jarjaray kadib markii ceejida nafta loogaga gooyay sidii uu qorshuhu ahaa.”ayaa la sii raaciyay.

Xafiiska xeer ilaalinta Istanbul ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay kulan ay lahaayeen dambi oogaha guud ee Sacudi Carabiya Saud Al-Mujab inaysan ka soo bixin wax natiijo ah.

Dambi Oogaha guud ee Sacudi Carabiya ayaa dib ugu laabtay dalkiisa kadib saddex maalmood oo uu booqasho ku joogay dalka Turkiga,waxayna dowlada Turkigu ka dalabtay in loo soo gacan geliyo 18ka ruux ee lala xiriirinayo dilka Saxafiga Khashoggi oo aan weli meydkiisa la helin si gudaha Turkiga maxkamad loogu saaro.

Xukuumada Riyadh ayaa qiratay in qorshe hore loo sii diyaariyay uu ahaa falkii lagu qaarijiyay Khashoggi balse ay ka dambeeyeen koox dambiilayaal ah oo aan wax fasax ah ka haysan dhaxalsugaha Amiir Maxamed bin Salman kaasoo lala xiriirinayo dilka waxashnimada lahaa ee loo geystey Khashoggi.

Sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta Istanbul ayaa weydiisatay Al Mujab inuu sheego halka uu ku dambeeyo meydka Kashoggi oo weli la la’ yahay muddo bil ku dhowaad ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wafdigii ka socday Sacudi Carabiya aysan ka jawaabin mar la weydiiyay inay jireen dad u dhashay dalka Turkiga oo gacan ka geystey dilkii iyo qarintii meydka Khashoggi, waxayna sheegeen in meydka Khashoggi lagu ogaan karo oo kaliya baaritaan la sameeyo.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa adkeeyay halka uu ka taagnaa arrinka isagoo kutilmaamay xaalka inuu yahay sidii ciyaar la dheelayo oo lagu ilaalinayo madax sare oo ku lug leh dambiga.

Xigasho; Al Jazeera