Ururka Alshabaab ayaa soo bandhigey sawiro burbur iyo dad meyd ah kuwaasoo ay sheegeen inay ka dhasheen duqeyn xalay ay u geysteen diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Maraykanka.

Alshabaab ayaa sheegay in duqeyntan ay waxyeelo ka soo gaartay qoys aysan shaacin halka ay degenaayeen,waxaana sawirada ka muuqda meydka nin weyn iyo ilmo yar, sidoo kale waxaa sawirada ay soo bandhigeen Al-Shabaab ka muuqday qof dumar ah iyo wiil yar oo la daweynayo.

Duqeymaha xalay ay geysteen diyaarado dagaal oo la rumeysan yahay inay leeyihiin ciidamada Maraykanka ayaa lala beegsaday deegaano ay ka mid yihiin Janaale,Awdheegle,Dacaaraha iyo Kuunya Barow.

Hase yeeshee Maamulka Gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in duqeymaha xalay lagu qaaday deegaano ka mid ah gobolka Sh/hoose in  lala eegtay saldhigyo ay leeyihiin Al Shabaab, goobo ay canshuurta ku qaadaan iyo maxkamado ay dadka ku xukumi jireen.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in tirada guud ee Al Shabaab looga dilay duqeynta inay gaareyso 100 dagaanyahan, isaga oo intaa sii raaciyay in   khasaaraha intaasi ka badan karo.

Duqeynta lala beegsanayo deegaanada ay Al-shabaab maamulaan ayaa kordhay sanadkan cusub ee 2019ka, hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Maraykanka ee la xiriira duqeynmahan ugu dambeeyay ee xalay ka dhacay deegaano ka mid ah gobolka Sh/hoose.