Ururka haweenka gobolka sh/dhexe ayaa ku eedeeyay Wasaarada Haweenka iyo xuquuqul insaanka dowlada federalka Soomaliyeed inay xaqireen xuquuda Ururka haweenka gobolka Sh.dhexe.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Jowhar xuno ka tirsan ururka Haweenka gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay ugaga hadleen kulan lagu wado in Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqu Insaanka ay ka furto magaalada Muqdisho taasoo ay ku sheegeen haweenkan inaan laga qeybgalin,

“Wax suurtogal ah ma ahan in shir haweenka Soomaaliya isugu imanayaan ay haweenka gobolka Sh/dhexe iyo Hiiraan aysan ka qeygalin kulankaas”ayay tiri Marwo Ruqiyo Cabdulle Cali oo ka mid ah ururka haweenka gobolka Sh/dhexe.

Haweenkii ka qeybgalay kulankan ayaa waxa ay sheegeen   Wasiirka Haweenka dowlada federalka aysan u xisaabsanayn gobolka Sh/dhexe amaba Hirshabelle oo idil.

Gabagabadii ayaa shirkan jaraa’id waxaa ka hadashay Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka sh.dhexe Marwo Madiino Caddow Colow ayaa waxa ay sheegtay in ay qaadacayaan Wasiirka Haweenka dowlada federalka maadaama ay xaqirtey Haweenka Hirshabelle.

Kulan ay soo qabanqaabisay Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa  lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka furto magaalada Muqdisho shirweyne la sheegay in loogaga hadlayo mowduucyo kala duwan oo la xiriira arrimaha haweenka.

Halkan Hoose ka daawo Shirka Jaraa’id ee Haweenka gobolka Sh/dhexe