General Abdel Fattah Burhan ayaa xalay la wareegay hogaanka dalka Sudan kadib markii uu is casilay Hogaamiyihii Milatariga afgambiyay Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xasan al-Bashir oo muddo soddon sano ah madax ka ahaa dalka Sudan.

Abdel Fattah Burhan ayaa ka mid ahaa saddexdii General ee ku dhowaaqay inay xilka ka qaadeen Al-Bashir kadib banaanbaxyo gilgilay caasimada Kharduum.

Hogaamiyaha cusub ee Golaha Milatariga kumeelgaarka ah ee dalka Sudan General Burhan ayaa la sheegay inuusan ka mid ahayn dhinacyada siyaasada dalka Sudan sida laga soo xigtey dad ku dhowdhow.

General Burhan waa lixdan sano jir ka mid ahaa ciidamada ilaalada xadka dalka Sudan,waxana uu markii dambe noqday u qeybsanaha Milatariga safaarada Sudan ee dalka Shiinaha.

Burhan ayaa waxa uu noqday taliyaha ilaalada xadka isagoo ugu dambeyn u gudbay inuu noqdo taliyaha ciidamada lugta.

Hogaamiyaha cusub ee golaha Milatariga dalka Sudan ayaa sidoo kale ka soo noqday tababare sare kulliyada Milatariga ee Bariga Sudan,waxana uu ahaa taliye ciidan dagaaladii ka dhacay Koofurta Sudan kahor inta aysan xornimada qaadan wadanka Koofurta Sudan sanadkii 2011.

Madaxweynihii hore ee Sudan oo wajahayay cadaadis xoog leh ayaa dhamaadkii bishii February waxa uu u dalacsiiyay Burhan General ah taliyaha ciidamada dhulka.

Burhan ayaa la sheegay inuu booqasho ku tegey dhowr jeer wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta xilli uu ahaa xiriiriyaha ciidamada Milatariga Sudan ee jooga Yemen.

General Burhan ayaan ka mid ahayn dadka ay dooneyso maxkamada caalamiga ah ee Haig,halka uu General Awad oo uu xilka kala wareegay ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Sudan ee dacwad ay ka taalo maxkamada caalamiga ah.