Is bedel ayaa lagu sameeyay Hoggaanka Ciidamada xoogga dalka, kaasoo lagu sheegay inay qeyb ka tahay qaab dhismeed cusub oo loo dhiso Taliska Xoogga dalka.

Qaab dhismeedkan ayaa lagu sameeyay qeybaha hoggaanka Ciidamada, sida Taliska Guud ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliye kuxigeenka xoogga dalka ayaa waxaa loo magacaabay Gen. Cabdi Xasan Maxamed oo loo yaqaano Xijaar, waxaa uu ahaa U qeybsamihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga.

Mr Xijaar ayaa sidoo kale soo noqday Taliye kuxigeenka xoogga dalka dowladdii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, isagoo sidoo kale ka mid ahaa Saraakiisha dhinaca Sirdoonka u qaabilsaneyd xilligii dowladdii KMG xarunta u aheyd magaalada Jowhar.

Waxaa gebi ahaanba la baabi’iyay Abaanduulka ciidamada, waxaa taa bedelkeed howshii abaanduulka isku heynaya Taliye kuxigeenka cusub,

Abaanduuliyihii Ciidamada xoogga dalka Jen, Odawaa Yuusuf Raagge ayaa loo magacaabay Taliyaha ciidamada lugta oo xilligii hore qeyb ka ahaa xilka Abaanduulka.

Taliskan cusub ee Lugta ayaa si gaar ah loo madax banaaneeyay, waxaana uu yeeshay Abaanduule ciidan, waxaana loo magacaabay Abaanduulaha Ciidamada Lugta Gen. C/rashiid C/llaahi Shire.

Is bedelkan cusub ayaa la ogeyn waxa uu soo kordhin doono, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay uu jiray cabasho iyo gadood ay sameynayeen Ciidamada xoogga dalka, kuwaasoo ka cabanayay mushaar la’aan.