Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta tagaya Dhuusamareeb, halkaasoo ay ka bilaabanayan wada hadalo lagu xalinayo is mari-waaga Galmudug.

Sida wararku sheegayaan dowladda Federaalka ayaa dooneysa in Hoggaanka Galmudug ku qanciso inay ogolaadaan doorasho, kaddib markii ay dhowaan shaaciyeen muddada xilheyntooda uu ka soo bilaabanayo heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug.

Wasiir Sabriye oo dhowaan ka hadlayay arrimaha Galmudug ayaa sheegay in xukuumadu ay fahamsan tahay ahmiyada maamulkaas ayna muhiim tahay in la helo xal uu dhinac walba qaadan karo, isagoo ka hor-yimid muddo kororsiga Xaaf iyo Shaakir.

Wasiirka ayaa la kulmi doona madaxweyne Xaaf, wasiirka koowaad Sheekh Shaakir, hoggaamiyaha Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo odayaasha deegaanka, waxaana sidoo kale la filan karaa inuu tago Cadaado oo tabasho qabta iyo sidoo kale Xeraale oo ay dagaal beeleedyo ka jiraan.

Dowlada Federaalka ah ayaa u muuqata inay hada toos u wajahaheyso xaalada Galmudug, halka markii hore qeyb ka aheyd qalalaasaha siyaasadeed ee maamulkaas hareeyay labadii sano ee u dambeeyay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dooneysa in doorashada Galmudug ay waqtigeeda ku dhacdo, waxaase la ogeyn sida ay isku fahmi doonaan wafdiga ay dowladdu maanta u direyso Galmudug iyo hoggaanka maamulkaas oo muddo gadoodsanaa.

Xiriirka dowladda Federaalka ah iyo maamulka Galmudug ayaa aad xumaa tan iyo markii uu talada qabtay Madaxweyne Xaaf labo sanno ka hor, waxaana uu maamulkaas dhowr jeer muujiyay cabasho badan oo la xiriirta fara-galinta dowladda dhexe.

HALKAN GASHO