Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in taliyihii qeybta Booliska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow uu ku dhintey dagaal ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyay ciidamada Booliska gobolka Hiiraan iyo ciidamo nabadsugid ah.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in dagaalkan uu ku dhaawacmay taliye ku xigeenka saldhiga booliska magaalada Beledweyne Bashiir Cadaani.

Wixii faahfaahin ah oo ku saabsan arrimaha gobolka Hiiraan kala soco jowhar.com