Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen xalay Saldhigyo Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Qoryooleey ee gobolka Sh/Hoose, kaasoo sababay kahsaare kala duwan.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa qaatay ku dhowaad saacad, waxaana labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dableyda weerarka soo qaaday dib u riixay Ciidamada ku sugnaa fariisimaha la weeraray.

Taliyaha Saldhigga booliska ee degmada Qoryooleey Cali Maxamed Aadan ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay inay khasaare xooggan gaarsiiyeen Kooxdii weerarka soo qaaday, isagoo sheegay in dhankooda dhaawcayo yar yar ay jiraan.

Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa AMISOM ayaa saaka ku faafay xaafadaha ku dhow goobihii lagu dagaalamay, kuwaasoo ka sameeyay howlgallo baaritaano ah.

Degmada Qoryooley waxaa ku soo noq noqday weerarada Al-Shabaab, iyadoo maamulka degmada dhowr jeer ay sheegeen inay iska caabiyeen weeraro uga yimid Al-Shabaab.