Mas’uul u hadlay dowlada Libya oo ay taageerto Qaramada Midoobay ayaa sheegay in 21 ruux ay ku dhinteen 27 kalana ku dhaawacmeen dagaalka ka soconaya duleedka caasimada Libya ee Tripoli.

Ciidamada mucaaradka ee uu hogaamiyo Gen Khalifa Haftar ayaa ku soo durkay caasimada Libya iyagoo doonaya inay la wareegaan magaalada Tripoli.

Ra’iisul Wasaaraha Libya Fayez al-Serraj ayaa ku eedeeyay Gen Haftar inuu doonayo afgambi inuu kula wareego balse la iska difaaci doono mucaaradka.

Dadka ku dhintey dagaalka ayaa la sheegay inuu ka mid yahay dhakhtar u shaqeynayay Bisha Cas, ciidamada Gen Haftar ayaa sheegay in ay ugaga dhinteen dagaalkan illaa 14 dagaalyahan.

Dagaal ayaa la sheegay inuu ka dhacay garoonkii hore ee diyaaradaha ee ku yaal koofurta magaalada Tripoli, iyadoo hore Gen Haftar uu u sheegay inay ciidamadiisu qabsadeen.

Muwaadiniinta shisheeyaha ah ayaa bilaabay inay ka baxaan caasimada Libya iyadoo xaalku uu sii xumaanayo.

Dalka Libya ayaa waxaa ka jirey xasilooni darro siyaasadeed iyo rabshado tan iyo markii xukunka laga tuuray lana diley hogaamiyihii hore ee dalkaas Mucammar Qadafi sanadkii 2011.