Madaxweynaha wadanka Sirilanka Maithripala Sirisena ayaa sheegay in hogaamiyiha kooxdii weerarka ka geysatay magaalada Colombo uu ka mid ahaa dadkii ku dhintey qaraxyadii ka dhacay magaalada Colombo.

Maithripala Sirisena Madaxweynaha Sri Lanka ayaa sheegay in Zahraan Haashim oo ahaa waddaad mayal adag uu ku dhintay hoteelka Shangri-La ee ku yaalla magaalada Colombo.

Sirisena ayaa intaas ku daray in Haashim uu hoggaaminayay weerarkii lagu qaaday huteelka ku yaallay goobta dalxiiska isaga iyo nin kale oo is qarxiyay.

Ugu yaraan 250 qof ayaa ku dhimatay weeraradii Axaddii lala beegsaday Kaniisado iyo Huteelo ku yaalla dalka Sri Lanka.

Madaxweynaha Sri Lanka waxaa uu sidoo kale sheegay in laamaha sirdoonka ay howlgal wadaan si ay usoo qabqabtaan ilaa 130 qof oo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda isku magacaawday Dowladda Islaamka.

Hase yeeshee waxaa weli socda baaritaano lagu doonayo in lagu soo qabto rag kale oo ka tirsan kooxda lagu tuhunsan yahay inay weerarka ka dambeeyeen.