Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa caawa fiidkii qabtay nin hubeysan oo bambo ku tuuray goob Ciidamo Boolis ku sugnaayeen oo ku dhow saldhigga Booliska degmada Wardhiigley.

Ninkan Hubeysan ayaa dhaawacay afar askari, isagoo ku cararay guri dad shacab ah degenaayeen oo ku dhow Saldhiga Booliska Wardhiigley.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka ay hareereeyeen guriga uu galay ninka hubeysan, waxaana muddo dhex martay is rasaaseyn.

Ciidamada ayaa markii dambe u suura gashay inay lugta ka toogtaan ninkan, waxaana la qabtay isagoo dhaawac ah, kaasoo la geeyay goobaha caafimaadka.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa ku amray ciidamada inay nolosha ku qabtaan ninkan, waxaana saacado ay qaadatay inay la tacaalaan isaga oo rasaas ka soo ridayay guriga uu galay.