Ciidamada ammaanka ayaa todobaadkii labaad howlgallo xiriir ah ka wada magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaa howlgalkii u dambeeyay xalay uu ka dhacay duleedyada magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada ammaanka ayaa xalay baaritaano ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha, iyadoo ciidamada baaritaan guri guri ka sameeyeen.

Intii howlgalka socday ayay Ciidamada guryaha kaga soo saareen dhalinyaro badan, kuwaasoo la isugu geeyay meel fagaare ah.

Wararka ayaa sheegaya in howlgal kale ay ka dhaceen xaafado ka tirsan Muqdisho, inkastoo aan faah faahin badan laga heyn howlgaladaas.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay howlgalada baaritaanada iyo kuwa amniga lagu xaqiijinayay oo laga sameyanayay xaafadaha Muqdisho, waxaana ciidamada ay xireen jidad badan oo la dhigay dhagxaan, waxaana magaalada haatan ku jirtaa xaalad go’doon ah oo isu gudubka labada dhinac ee magaalada ay adag tahay.