Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgallo baaritaano ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, iyadoo howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.

Sida wararku sheegayaan howlgalka baaritaanka ayaa laga sameeyay Xaafada Via Roma iyo xaafadaha u dhow dhow Suuqa Xamar weyne, waxaana la arkayay Ciidamada oo wata gaadiidka oo baaraya gaadiidka kala duwan iyo dadweynaha.

Howlgalka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ciidamada u tababaran miino baarista ee ka tirsan Booliska, waxaana howlgalkan uu gaaray illaa xalay saqdii dhexe.

Dhalinyaro fara badan ayaa howlgalka lagu qabtay, inkastoo markii dambe la sii daayay, kaddib baaritaano lagu sameeyay.

Habeenadii la soo dhaafay Ciidamada Booliska ayaa howlgalo baaritaano lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.