Iyadoo xalay magaalada Nairobi ay wadajir u gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa lagu wadaa in gelinka hore ee saaka kulan saddex geesood ah uu dhaxeyo Madaxweyne Farmaajo, Uhuru Kenyatta iyo Abiy Ahmed.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa door weyn ku leh dhex dhexaadinta hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya oo bishii la soo dhaafay uu xiriirkooda diblomaasiyadeed uu heerkii ugu xumaa gaaray.

Kulankan saddex geesoodka ayaa waxaa bar bar socon doona kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta, kaasoo looga hadlayo sidii caadi loogu soo celin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya ka sokow in laga hadlayo xiriirka diblomaasiyadeed waxaa wehliya arrinta muranka badda ee labada dal u dhaxeyso, iyadoo Kenya ay dooneyso in arrinta Badda wada hadal laga galo.

Hase ahaatee Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha ee ku sugan Nairobi ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay ku sheegay in aan arrinta badda ee dacwadeeda taal Maxkamadda ICJ aan wax gorgortan iyo wada hadal toona laga galeyn.

Dadka odorasa arrimaha Soomaaliya ayaa dhaliilay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dego Kenya, iyadoo horay u eriday Safiirka Soomaaliya, isla markaana Kenya oo ka mas’uul aheyd xiriirka xumaaday uu dalkeeda ugu tago, waxaa taa bedelkeed siyaasiyiinta tilmaameen in wada hadalada uu ka dhaco dal saddexaad.