Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii labaad ee ka dhacay Muqdisho

Qarax labaad oo aad u xooggan ayaa mar kale ka dhacay magaalada Muqdisho, gaariga ayaa ku qarxay agagaarka Daljirka Dahsoon, waxaa uu ahaa gaari goobta la dhigay oo ciidamada amniga ka shakiyeen.

Labada Qarax ayaa ahaa kuwo aad u xooggan oo si weyn looga maqlay magaalada oo dhan, waxaana u dhaxeeyay ku dhowaad nusa saac.

Qaraxa hore ayaa saameyn ku yeeshay dhismayaasha ka ag dhow Tiyaatarka Qaranka iyo Hooyooyinka, waxaana goobaha uu saameeyay ka mid ah Idaacada Kulmiye ee degan dhismaha Guriga Hooyooyinka iyo Xafiiska Telefishinka Universal oo ku dhow Tiyaatarka.

Labada Qarax ayaa ka dhacay bar koontaroolka agagaarka Tiyaatarka ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa hore ay ku dhinteen lix ruux, halka tiro kalena ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka dhaawacmay uu ku jiro Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Xilliga Qaraxyada dhacayeen ayaa waxaa Dhismaha Tiyaatarka Qaranka ka socday ololaha is xilqaan ee lagu dhisayo Titaatarka iyo goobaha kale ee danta Guud.