Bam ayaa laga helay garoonka diyaaradaha magaalada Colombo ee dalka SiriLanka saacado kadib qaraxyo is xigxigey oo ay ku dhinteen illaa iyo 207 ruux 450 kalana ku dhaawacmeen oo lala beegsaday hotelo iyo kaniisado ku yaal caasimada SiriLanka.

Askari ka tirsan ciidamada ilaalada garoonka diyaaradaha ee Katunayake Airport ayaa arkay bam lagu qariyay garoonka,waxaana markii dambe kala furfuray bamka ciidamada cirka ee caasimada SiriLanka ee Colombo.

Weerarada qaraxyada ah ee ka dhacay magaalada Colombo ayaa dadka ku dhintey waxaa kamid ah dad aan u dhalan wadankaas waxaana tiradooda lagu sheegay inay gaarayaan illaa 35 ruux oo shan ka mid ah ay ahaayeen British ah,3 Hindi ah,2 Turks ah,qof ka soo jeeda dalka Portuqiiska iyo qaar kale oo aan la shaacin.

Toddobo ruux oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen weerarka qaraxyada ah ayaa la xirey iyadoo ciidamada Booliska SiriLanka ayaa toban maalmood kahor ka digey in weeraro argagaxiso ah lala damacsan yahay dalka SiriLanka.

Wasaarada Gaashaandhigga Sri Lanka ayaa amartey bando deg-deg ah iyadoo la xirey baraha bulshada ee dalkaasi.

Dalka Sri Lanka ayaa ah dad ay ku nool yihiin badankood yihiin Sinhalese oo haysta diinta Buddhistaha halka ay sidoo kale ku nool yihiin Muslimiin iyo Masiixiyiin.