Kumanaan banaanbaxayaal ah ayaa weli ku sugan afaafka hore ee Xarunta Wasaarada Gaashaandhigga dalka Sudan ee magaalada Kharduum iyagoo dalbanaya in Milatarigu uu ku wareejiyo maamulka dowlad rayid ah.

Dadka banaanbaxaya ayaa sheegay inaysan joojin doonin banaanbaxa illaa uu xukunka ka dego Ibn Auf oo ah wasiirkii hore ee gaashaandhigga dalka Sudan balse haatan hogaaminaya dowlada Milatariga ah ee xukunka la wareegtay.

Hase yeeshee Dowlada cusub ee dalka Sudan ayaa sheegtay in aysan awooda dooneyn ayna ku wareejin doonaan maamul rayid ah muddo labo sano gudahood ah.
Banaanbaxyaasha iyo ururada siyaasada dalka Sudan ayaa aaminsan in Milatarigu uu wado khiyaano.

“Waxa socda waa khiyaano weyn,waa isla maamulkii al-Bashir waxayna doonayaan inay na siraan si ay danaha xisbiga talada haya uga shaqeeyaan.”ayuu yiri Mohamed al-Zain oo ka mid ah dadka ka qeybgalaya banaanbaxa ka socda caasimada dalka Sudan.

Ururka ay ku mideysan yihiin xirfadleyda dalka Sudan ee SPA ayaa ku gacan seyrey bayaanka ka soo baxay ciidamada dalka Sudan waxayna ku baaqeen in Milatarigu uu deg-deg ugu wareejiyo xukunka dowlad rayid ah oo kumeel gaar ah.

Dhinaca kale taliyaha maleeshiyo taageerta dowlada Sudan ee loo yaqaan ciidamada gurmadka deg-degga RSF ayaa ugu baaqay Maamulka milatariga dalka Sudan inay wadahadal la yeeshaan dibadbaxyaasha oo ay aqbalaan wixii xal u keeni kara arrimaha taagan.

Mohammed Hamadati, taliyaha ciidamada RSF ayaa aaminsan in wadahadaladu ay ka badbaadin karaan dalka Sudan in uu galo fowdo.

RSF ayaa ah maleeshiyaad Carab ka soo jeeda kuwaasoo ka dhinac dagaalamay ciidamada dowlada Sudan dagaalkii ka dhacay gobolka ku yaal galbeedka Sudan ee Darfur.

Xigasho;Aljazeera.