Wararka u dambeeya ee ka soo baxaya xiisad ka dhalatay labo diyaarad oo ay dowlada Hindiya leedahay oo ay ciidamada cirka ee dalka Pakistan soo rideen ayaa meeshii u sareysay gaartay.

Dowlada Pakistan ayaa sheegtay inay soo rideen labo diyaaradaha dagaalka oo ay dowlada Hindiya leedahay ayna gacanta ku hayso duuliyihii mid kamid ah diyaaradahaa oo ku dhacday dalka Pakistan.

Dowlada Hindiya ayaa sheegtay in hal diyaarad oo ah MIG21 iyo duuliyihii waday ay la’adahay. Labada dal oo leh awooda Niyukliyerka ayaa mid walba uu sheegtaa inuu leeyahay dhulka Kashmir.

Labada dal ayaa hore dagaalo u dhex maray saddex jeer tan iyo markii ay xornimada ka qaateen dalka Britain sanadkii 1947.