Wargeys ka soo baxa UK oo qoray in Gavin Williamson uu baajiyay kulan uu la yeelan lahaa Madaxweyne Farmaajo, kaddib….

Wargeyska caanka ah ee The Independent ayaa qoray in safar uu Xoghayaha Difaaca UK Mr Gavin Williamson uu baajiyay safar uu todobaadkii hore ku imaan lahaa Muqdisho iyo kulan uu la qaadan lahaa Madaxweyne Farmaajo, kaddib ceyrintii Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo xariggii Mukhtaar Roobow.

Gavin Williamson ayaa socdaalkiisa u weeciyay magaalada Hargeysa oo ah caasimadda Maamulka Somaliland oo horay ugu dhawaaqay inay yihiin dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale, hase ahaatee aanay weli helin wax aqoonsi caalami ah.

Wasiirka difaaca UK Gavin Willamson ayaa 6-dii bishan booqday magaalada Hargeysa, isagoo la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo qaar kamid ah Wasiirada maamulkiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa 1-dii bishan go’aan culus ka soo saartay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, saacado kaddib markii uu soo saaray warqad uu ku dalbanayo in sharaxaad laga bixiyo dhacdooyinkii ka dhacay Baydhabo iyo xariggii Mukhtaar Roobow, kaasoo loo diray Wasiirka Amniga.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ergeyga Qaramada Midoobey Amb. Nicholas Haysom aan laga rabin dalka, kana shaqeyn karin, taasoo macnaheeda tahay in dalka laga eryay (Persona Non Grata)

Arinta la hadalka hayay ayaa eheyd inuu iman doono Muqidhso si uu ula kulmo Madaxda Soomaaliya iyo Saraakiisha Ingiriiska ee taageerada siiya Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Amisom.

Wargeyska the Independent ee ka soo baxa dalka UK ayaa qoraal uu daabacay ku sheegay sababta baajisay Safarkiisa Muqdisho inay la xiriirto ceyrinta Haysom iyo xarigii Mukhtaar Rooboow.

Wargeyska the Independent ayaa sheegay in Mukhtaar Rooboow oo 13-kii bishii hore ee December 2018 laga soo qabtay Baydhabo ay aheyd talaabo qaldan, waxeyna ku micneeyeen in Wadaadkan oo ahaa qofka ugu sarreeya ee beddela aragtidiisa kana baxay Al-Shabaab ay hoos u dhigeyso xubnaha kale ee ku dhiiran lahaa iney Dowladda isu dhiibaan.

Waregeyskan ayaa banaanka keenay sir muddo la qarinayay taasoo la xiriirtay in Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska iska kaashadeen howlgalka Mukhtaar Rooboow looga soo badbaadiyay deegaanada ay heysteen Al-Shabaab.

Xoghayaha Difaaca UK ayaa booqasho uu ku yimid magaalada Muqdisho bishii Agosto ee sanadkii 2018 la kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Saraakiisha ciidamada dowladda, iyadoo Ingiriiska ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo taageera Ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM.

Qaraar qabyo ayaa UK horgeysay golaha ammaanka, kana dhan ahaa go’aanka Xukuumadda Muqdisho ku ceyrisay Haysom ayaa lagu sheegay in goluhu ka xun yahay tallaabada ay qaadday Dowladda Soomaaliya.

Si kastaba waxaa muuqata mad-madow siyaasadeed oo u dhaxeeya UK iyo dowladda Soomaaliya oo ku aadan arrimaha ka dhacay Baydhabo, iyadoo UK ay taageerto Ciidamada Booliska Koofur Galbeed iyo ciidanka Milateriga qeybta 60aad oo ay bixiso mushaarkooda, waana sababta ay u hakisay taageeridii dhaqaale ay siineysay.