Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo war ka soo saartay Xaalada Baydhabo

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay xaalada magaalada Baydhabo oo maalintii labaad ay ka socdaan banaan baxyo rabshado wata oo ka dhashay xariggii Mukhtaar Roobow.

Wasaarada Amniga Gudaha ayaa ugu baaqday shacabka Koofur Galbeed ilaalinta xasiloonida iyo amniga.

Sidoo kale waxaa loogu baaqay shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan Madaxweynaha KMG ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed iyo dhamaan maamulka Koofur Galbeed qaranimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed ee ku sugan Koofur Galbeed.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka:-