Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay doorashada lagu wado inay ka dhacdo Jubbaland .

Wasaaradda arrimaha gudaha Somalia ayaa soo soo saartay illa 5 qodob oo Maamulka Jubbaland laga doonayo iney fuliyaan kuwaasoo ay ka mid yihiin soo xulista xildhibaanada iney isla ansixiyaan Odayaasha dhaqanka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulkaas iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in la tixgeliyo qoondada haweenka oo beeshii saddex xildhibaan leh ay mid ka dhigto dumar.

Wasaaradda Arrimaha Dibbada ayaa amartay in Doorashada ay ka dhacdo Xarunta  akadeemiyada Booliska Jubbaland ama Xarunta Q/Midoobay ee Kismaayo

 War-saxaafadeedka halkan  ka aqriso:-