Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa war ka soo saaray mushaar la’aan heysata Ciidamada xoogga dalka, taasoo la sheegay inay sabab u aheyd inay ka soo baxaan difaacyo ay kaga jireen deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

War saxaafadeed ay si wadajir u soo saareen Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka ayaa lagu sheegay inay ku howlan yihiin diiwaan gelinta Ciidamada xoogga dalka, si loo tayeeyo howlaha ciidanka, lana hubiyo xuquuqda ciidanka

“Askari walba oo diiwaan-gelintiisa la xaqiijiyay waxa uu qaataa mushaarkiisa oo si toos ah loogu shubo koontadiisa bangiga”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka oo lagu daabacay Wakaalada wararka ee SONNA.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada loo bilaabay 30 dollar oo ka mid ah qoondada raashinka askarta oo toos loogu shubo koontada uu askariga ku leeyahay Bangigga, marka la xaqiijiyo diiwaan gelintiisa.

“Ciddii la diiwaangeliyay ee aan weli helin xaquuqdooda billaha ah waxaa ku socda xaqiijin rasmi ah, sidoo kale waxaa wali socda diiwaan-gelinta ciidanka,waxaana ciidamada la diiwaan-geliyay lagu amray inuu ku sugnaadaadaan goobtooda shaqada”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

War saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka ayaa lagu sheegay inta ay socoto diiwaangelinta Ciidamada oo laga codsan doono qaarkood inay yimaadaan goobo ku dhow dhow xarumahooda, taasoo u muuqata mid qiil loogu sameynayo ka bixitaankooda furimaha dagaalka.

“Inta ay socoto diiwaan-gelintu waxaa laga codsan doonaa ciidamada qaarkood in ay yimaadaan goobo ku dhow goobtooda shaqo, sida kuwa dhanaane oo lagu diiwaan-gelin doono agagaarka deegaanka Jazeera, kadibna ay dib ugu laaban doonaan difaacooda”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa ku wargeliyay Ciidanka inta ay socoto diiwaan gelinta in askari walba uu heli doono xuquuqdiida, marka ay soo dhamaato diiwaan gelinta.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ee qeybta 12-ka April ayaa maanta ka soo baxay deegaanka Dhanaane oo dhacda wadada xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo magaalada Marka, waxaana laga soo xigtay qaar ka mid ah Ciidamada in mushaar la’aan la soo deristay muddo afar bilood ah oo ay u sii dheer tahay in aan wax saad ah la soo gaarsiin.

HALKAN GASHO