Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar Maxamed oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ku mashquushay oo kaliya baraha bulshada iyo dagaalka siyaasiyiinta iyo dadka ka afkaarta duwan.

Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa sheegay in dowladda halkii laga rabo in amnigii dalka wax ka qabato iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay kaliya ku mashquushay weerar iyo difaac inay ka gasho baraha bulshada.

“Dowladda waxay difaac ka gashay baraha bulshada facebook iyo Twitter, meeshii laga rabay inay Amniga dalka wax ka qabato, waxay ku mashquulsan tahay dad siyaasiyiin iyo dad ka afkaar duwan inay la dagaalanto”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Cumar.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladdu aanay heyn istiraatiijiyadii wax looga qaban lahaa ama lagu baabi’in lahaa Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in weerarada Al-Shabaab ay ku soo qaadaan Muqdisho ay ugu wacan tahay, iyadoo aan wax dagaal ah lala gelin.

Waxaa uu sheegay in balan-qaadkii Madaxweyne Farmaajo aanu waxba ka dhaqan gelin iyo khudbadii uu jeediyay ee ahaa in Al-Shabaab muddo labo sano dalka looga saarayo.

Daawo wareysiga Xildhibaan C/risaaq Cumar uu siiyay Dalsan TV