Wasiir Aw Xirsi “Hanaanka Dib u eegista Dastuurka ee Xamar ka socda waa Leyli Aqooneed”

Wasiirka Qorsheynta Maamulka Jubbaland Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa sheegay in hanaanka loo wado dib u eegusta Dastuurka uu yahay layli aqooneed oo aanu aheyn dib u eegis rasmi ah.

Isagoo la hadlayay idaacada VOA ayuu Wasiir Xirsi oo horay u soo noqday Wasiirka Dastuurka Jubbaland ayuu tilmaamay in dib u eegista loo baahan yahay in loo maro dariiq kale.

“Hanaanka Dastuurka ee hadda xamar ka socda waa leyli aqooneed, ma ahan dib u eegid rasmi ah oo Dastuurku ku dhameystirmi karo”ayuu yiri Wasiir Aw Xirsi.

Waxaa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dib u eegida Dastuurka loo wajaho sida Dastuurka qabtada qabo, balse aysan suura gal aheyn in dariiq kale loo raaco.

Jubbaland ayaa horay uga qaadacday hanaanka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka u wado dib u eegida, iyadoo kulamo la doonayay in lagu qabto Kismaayo ay dib u dhaceen, sababo la xiriira khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sanadka soo socda ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo howlaha dib u eegida Dastuurka oo noqday sidii taxane oo kale, waxaana inta aan la gaarin sanadka 2020 la qorsheynayaa in Dastuurka ka baxo qabyada, inkastoo ay jiraan caqabado ku hor-gudban.