Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Soomaaliya Cabdi Cashuur Xasan ayaa xilka ka qaaday Cali Ibraahim Shaameey oo ahaa xubin ka tirsan Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Wasiirka Boostada ayaa lagu sheegay in aysan suurto-gal ahayn in uu meleto siyaasada Wasaaradda mas’uul hormuud ka ah Xisbi Siyaasadeed.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha xilka looga qaaday ay ka mid tahay kaddib markii uu diiwaan geliyay Xisbi lagu magacaabo Horusocod, waxaana uu ka soo muuqday qaar ka mid ah Telefishinada, isagoo ku hadlayay magaca Xisbigaas.

Cali Shaamey oo ahaa Kaaliyihii Madaxweynihii hore Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa ka mid ahaa 9-ka xubnood ee Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka, kaasoo uu horay u soo magacaabay Wasiir Canshuur.

Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxaa hore u magacaabey Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta waxa uuna ku dhisanyahay Sharciga Isgaarsiinta ee dhowaan uu ansixiyey Baarlamaanka JFS 2017, balse ma ahan Guddi dastuuri ah oo uu xubnihiisa ansixiyey baarlamaanka ama Golaha Wasiirrada, taas oo awood u siinaya Wasiirka in uu wax kabedel ku sameeyn karo ugu yarraan xubnaha ku metalaya siyaasada Wasaaradda ee xubbinta ka noqonaya Guddiga.