Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Daahir Maxamuud Geelle ayaa jawaab layaab ah siiyay Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku shiray magaalada Nairobi, isagoo ku tilmaamay inay yihiin dad saamiley leh oo wax ku leh dowladnimada.

Mr Daahir Geelle ayaa sheegay inay dowladdu wado hannaan isu raadin ah, isla markaana loo baahan yahay in mucaaradka aysan sii fogeyn sida ay hadda wax u wadaan.

“Siyaasiyiinta waa saamiley wa adad waxaan heyna wax ku leh oo nala leh oo yeelan jiray oo yeelan kara berri in maamulka nagu xumaado ma ahan, dowladda waxay wadaa hannaan isku raadin ah meesha aad noo maleysaan ma jirno in la isu yimaada rabnaa, baabuurka yaan xawaaraha laga badin”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo xalay ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo hadalka Wasiirka Warfaafinta;

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ugu baaqay Siyaasiyiint

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta ku shiraya Magaaladda Nairobi in aysan ku fogaan mucaarad nimadda "Dowladdu waxay wadaa isku raadin laakiin mucaaradka ku shiraya dibada yaysan isbiidka ka badin hadii aysanba dhaafayn mucaaradada" ayuu yiri Wasiir Dahir Maxamuud Geelle. https://youtu.be/wg1oxQE_4uU

PubliƩe par Dalsan TV sur Lundi 22 avril 2019