Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Jublanad ee doorashada bisha Agosto ee sanadkan 2019.

C/rashiid Janan oo shir Jaraa’id ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa meesha ka saaray inuu u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha Jubbaland.

“Waxaan rabaa horta in aan idin xaqiijiyo anigoo ah Wasiirka Amniga Jubbaland dadkii Jubbaland aas aasay ayaan ka mid ahaa, wax musharax Madaxwene oo aan ahay ma jirto, taas inaan shacabka Soomaaliyeed u sheego rabaa, laakiin waxaan rabaa nidaam Jubbaland oo dhisan oo meel gaaro oo la iska dhaxlo inaan helno” ayuu yiri Wasiir Janan.

Waxaa uu soo hadal qaaday ololaha ay Kismaayo ka bilaabeen Siyaasiyiinta xil doonka ah, isagoo Ciidamada uga digay inay u kala eexdaan musharaixiinta ku tartameysa kursiga Madaxweyne.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maamulkiisa ay ku soo wajahan tahay doorashooyinka Baarlamaaniga ah iyo tan weyn ee Madaxtinimo, doorkoodana uu noqonayo oo kaliya sidii ay doorashada ugu qabsoomi laheyd si nabad gelyo ay ku dheehan tahay u dhacdo.

Wasiir Janan oo la rumeysan yahay inuu yahay Saaxiibka ugu dhow dhanka Siyaasada ee madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qeyb ka ah dadka durba wax ka wada ololihiisa, isagoo u xil saaran dhinaca gobolka Gedo oo uu bilihii u dambeeyay kula kulmayay Odayaasha beelaha.

Bisha Agosto ee sanadkan ayaa ah waqtiga uu ku egyahay muddo xileedka Axmed Madoobe oo Jubbaland soo maamulayay tan iyo sanadkii 2013, isagoo ah Madaxweynaha maamul goboleedka ugu waqtiga dheer maamulada dalka ka jira.