War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda shaqada iyo Shaqaalaha Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ku geeriyooday qaraxyadii lagu weeraray Xarunta wasaaradda.

Sida wararku sheegayaan Wasiir kuxigeenka oo sidoo kale ahaa Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu ka mid noqday dadkii ku geeriyooday qaraxa dhismaha Wasaaradda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, isla markaana dabley ka tirsan ay gudaha ugu jiraan dhismaha wasaaradda.

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay toogteen labo ka mid ah afar dabley hubeysan oo gudaha u gashay dhismaha, ayna ku hareereysan yihiin labo kale.

Dhismaha la weeraray ayaa waxaa degan labo Wasaaradood oo kala ah Wasaaradda Howlaha Guud iyo Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha.

HALKAN GASHO