Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Warsheekh

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii degmada Warsheekh Axmed Xuseen Axmed (Shiidka), isagoo magacaabay Guddoomiye cusub.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Warsheekh lagu magacaabay Cumar Maxamed Cumar, iyadoo la faray laamaha amniga degmada iyo kan gobolka inay la shaqeeyaan.

Maamulka Hirshabeelle oo aan weli saldhigan ayaa muddooyinkii u dambeeyay sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis badan.

Akhriso warqada magacaabida