Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in heshiis laga gaaro khilaaf ka dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamulka Galmudug ee la xiriira qabashada doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Cabdi Maxamed Sabriye wasiirka arrimaha gudaha oo shalay booqasho ku tegey magaalada Dhuusa-mareeb ayaa sheegay in shalay illaa xalay uu la lahaa wadahadalo aan kala go’ lahayn madaxda sare ee Galmudug.

Waxa uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha  in kulamadaas ay kasoo baxeen isku-soo dhawaansho iyo in xal loo helo khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Galmudug,isla markaana jawi wanaagsan ay kusoo dhamaadeen.

“Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan la wadaaagi doonaa waxyaabihii aan ka soo wada hadalnay Madaxda Galmudug,”ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha.

Hase yeeshee warar madax banaan ayaa sheegaya in kulamadii uu wasiirka arrimaha gudaha uu la yeeshay madaxda Galmudug ay ahaayeen kuwo aad u adag iyadoo shuruudo ay ku xireen madaxda Galmudug arrimihii uu hordhigey wasiirka.

Madaxweynaha  Galmudug iyo Madaxa xukuumadiisa ayaa  doonaya in muddo saddex sano kadib la qabto doorashada Madaxweynaha halka ay dowlada federalka dooneyso in la qabto doorashada Galmdug bartamaha sanadkan 2019.