Waxaa gelinkii dambe ee maanta garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka soo degay wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/llaahi Cali Xasan.

Soo dhoweynta wasiirka ayaa waxaa ka qeyb qaatay xubno ka tirsan golaha wasiiradda, xildhibaanada labada aqal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo warshadaha oo markii la magacaabayay howlo shaqo ugu maqnaa Nairobi ayaa hadal kooban oo uu dadkii soo dhoweeyay kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ugu mahad celiyay soo dhoweynta diiran maadaama iyadoo bil ramadan tahay waqtiggooda soo hureen.

Eng. C/llaahi wasiirka cusub ayaa la filavaa in maalmaha soo socda si rasmi ah xilka loogu dhaariyo, ulana wareego.