Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Sonkor Jaamac Geyre.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in shaqo ka joojintan ay qeyb ka tahay is bedelka ku socda hey’adaha amniga dowladda, laguna qiimeeyay howlaha horyaala Wasaaradda ee u baahan la jaanqaadida habraacyada cusub ee Maamulka Wasaaradda ee lagu meel mariyay Shirka Guddiga Amniga Qaranka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Shirka Guddiga Amniga Qaranka go’aan lagu gaaray in is bedel lagu sameeyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Wasiirka ayaa si KMG ah waxaa uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga ku magacaabay Warsame Maxamuud Xasan (Kaytoon)