Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Maxamed ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiskiisa Sarakiil ka socotay Midowga Yurub.

Mudane Hassan Ali Mohamed Wasiirka Difaaca XFS ayaa sheegay in saraakiisha Midowga Yurub uu kala hadlay xoojinta Xiriirka Iskaashi iyo Milatari ee ka dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Saraakiil ka socota Howlgalka Midowga Yurub
Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa qeyb weyn ka qaata Tababar siinta Ciidamada Qaranka Soomaaliya oo uu qorshu yahay in ay Amniga kala Wareegaan Ciidamada AMISOCiidamada AMISOM ayaa la qorsheynayaa in ay ammaanka dalka ku wareejiyaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyadoo lagu wado in kun askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ay ka baxaan dalka Soomaaliya dhamaadka toddobaadkan.