Wasiirkii Arrimaha dibadda ee dalka Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa, taasoo aheyd mid lama filaan ah.

Javad Zarif ayaa kaga dhawaaqay is casilaadiisa qoraal uu ku baahiyay cinwaankiisa Instgaram-ka, isagoo tilmaamay inuu gabay shaqadiisa oo uusan shaqada sii wadi karin.

Wakaalada wararka ee dalka Iiraan ayaa xaqiijisay is casilaada iyo shaqo ka tagida Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Mohammad Javed Zarif ayaa da’diisa aheyd 59 jir, waxaa uu horay ku soo waxbartay dalka Mareykanka, isagoo soo noqday Safiirkii Iiraan u fadhiyay Qaramada Midoobey.

Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan ayaa lagu xusuustaa inuu door muhiim ah ka qaatay heshiiskii taariikhiga ahaa ee Nukliyeedka ee sanadkii 2015, kaasoo u dhaxeeyay Iiraan iyo dalalka quwadaha waa weyn.