Waxyaalaha qarxa oo lagu qabtay magaalada Jigjiga

Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya  in ciidamada Booliska ay ku qabteen waxyaabaha qarxa oo la doonayay in lagu weeraro xarumaha maamulka dowlad deegaanka Soomaaliya ee magaalada Jigjiga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlada Deegaanka Soomaalida itoobiya Maxamed Cali Xasan oola hadlay Warbaahinta ayaa ku eedeeyay inay qaar ka haray maamulkii hore ee dowlad deegaanka soomalida Itoobiya ay ka dambeeyeen qorshaha weerarada la doonayay in laga geysto magaalada Jigjiga.

“Waxaan gacanta ku haynaa nin lagu magacaabao Axmed Mahad Colow oo loo yaqaan Ilkacase waxaana aan horgeyn doonaa  sharciga.”ayuu sii raaciyay.

Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida itoobiya Mustafe Maxamud Cumar Cagjar ayaa dhowaan ku eedeyay Maamulada  Jubbaland , Somaliland iyo  Puntland in laga soo abaabulayo qaraxyo la doonayo in laga geysto magaalooyin ku yaal dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya.