Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar bambaano oo xalay lagu qaaday Guri uu degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose ka degenaa Taliye ka tirsan Ciidamada Jubbaland.

Weerarkan bambaano ayaa la sheegay inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku dhintay hal askari, halka lix kale oo uu ku jiro Taliyaha uu ku dhaawacmay.

Taliyaha ku dhaawacmay weerarka bambaano ayaa la sheegay inuu ahaa Taliyihii Ciidamada ee deegaanka Taabta oo u dhaxeysa Dhoobley iyo Afmadow.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen qarax xooggan iyo rasaas, waxaana la sheegay in kooxdii weerarka ka dambeysay ay baxsadeen.

Degmada Dhoobley oo ku dhow xuduuda Kenya ayaa ka mid ah deegaanada Jubadda Hoose ee amnigeeda wanaagsan yahay, iyadoo ay saldhig weyn ay ku leeyihiin Ciidamada kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.